Shirka 5aad ee culuumta Engineering, Science and Technology oo Muqdisho ka furmay

349

Shirkii shanaad ee Culuumta Engineering science and Technology oo ay si wadajir ah u wada qabanqaabiyeen Jaamacadda SIMAD iyo Jaamacadda Jamhuuriya ayaa Maanta Ka furmay Magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiir dowlaha wasaarada Waxbarashada Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri, Gudoomiyaha Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed ahna Gudoomiyaha Jaamacada SIMAD Daahir Xasan Carab, Gudoomiyaha Jaamacadda Jamhuuriya  Eng Maxamed Axmed Maxamuud,  Macallimiin iyo Cilmibaarayaal.

Shirka Oo Muddo Laba Maalin ah Muqdisho ka socon doona ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa Arrimaha Culuumta Engineering science and Technology waxan lagu soo  bandhigi doona Cilmi baarisyo ay sameeyeen cilmi baarayaal ka tirsan Jaamacadaha SIMAD iyo Jamhuuriya.

Guddomiyaha Guddiga Qabanqaabada Shirka Saalax Xassan Cali  ayaa sheegay in labada Maalin ee shirku uu socdo lagu soo bandhigi doono inka badan 64 Cilmi baaris oo ay sameeyeen cilmi baarayaal ka tirsan Jaamacadaha SIMAD iyo Jamhuuriya.

Sido kale Shirkan labada maalin socon doona ayaa waxaa daah furay Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa, waxa uuna labada Jamaacadood ee SIMAD iyo Jamhuuriya ku amaanay kaalinta ay ka qaadanayaan horumarinta Ardayda iyo Dalka

Dhinaca kale Gudoomiyaha Midowga Jaamacadaha Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Jaamacada SIMAD Daahir Xasan Carab, Gudoomiyaha Jaamacadda Jamhuuriya Eng Maxamed Axmed Maxamuud ayaa ballan qaaday in ay joogteyn doonaan Barnaamijyada ay ku tayeynayaan kuna hormarinayaan Macallimiinta, Cilmibaarayaasha iyo Ardayda Soomaaliyeed
Ugu dambeyn waxaa la filayaa in Shirka Tignolijida ee Maanta ka furmay in Maalinta Barrita ah lagu soo gaba gabayndoono.