Shirka Dowlada Federalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo maanta dib u bilaabanaya

Shirka Madaxda Federaalka ee muddo xileedka ka dhammaaday, Dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ay uga xaajoonayaan xal ka gaarista khilaafka hortaagan qabsoomidda doorashooyinka dalka ayaa maanta oo Talaado ah waxaa uu dib uga bilabanayaa Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho.

Shirkan oo shalay nasasho ay galeen madaxda ayna la soo tashanayeen madaxda kale ayaa dib u furmaya iyadoo la filayo in horumar laga gaaro.

Wakiilada Beesha Caalamka oo fududeeyay isu keenidda dhinacyadaan ayaa ku bogaadiyay in ay heshiis ka gaaraan is faham-darrada ka dhex jirta, maadaama muddo xileedka Hay’adaha Doorashooyinka ku yimaada ee Dowladda Federaalka uu dhammaaday.

Madaxda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada ayaa isku fahmi waayay qaabka ay u dhaceyso Doorashooyinka heshiiska ay ka gaareen 17-kii September 2020.