Shirka golaha wadatashiga qaran oo galay maalinkii labaad
Mar. 17 (Jowhar.com)-Shirka Golaha Wadayashiag Qaran ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Baydhabo ee maamul-goboleedka Koonfur Galbeed, qodobka ugu muhiimsan ee shirkaasi looga hadlayo ayaa la sheegay inuu yahay ammaanka dalka.
Qodobada ugu xasaasisan ee shirka ayaa loo dib dhigay maalinimada beri ah, waxaana nadaxda shirsan ay yihiin kuwi si aad ah isaga dhaw shirarkii hore marka loo eego
Kulanka oo uu shir guddoominayo Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa ka qeyb galaya Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Raโiisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Salah Jama iyo Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.
Maamul goboleedka Puntland ayaan ka soo qeybgelin shirkaasi, maadaama khilaaf uu ka dhex taagan yahay madaxweyne Deni iyo madaxweyne Xasan Sheekh.