Shirka golaha wadatashiga qaran oo ka furmay Muqdisho iyo Puntland oo ka maqan

May. 24 (Jowhar.com)-Shirka 6-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowlada Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir oo uu gudoominayo Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa manta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa looga hadlayaa Xaaladda Amniga dalka gaar ahaan wajiga labaad ee Howlgalada lagu Alshabaab Dhameystirka Arrimaha Deyn cafinta iyo Dhaqangelinta heshiisyadii horey ay u gaareen Golaha Wadatashiga Qaran.

Puntland ayaa ka maqan shirkan, wuxuuna noqonayaa shirkii labaad oo ay ka maqan tahay, shirkan kii ka horeeyay oo ka dhacay Baydhabo ma aaney jirin xubno maamulkaasi ah oo soo xaadiray.

shirka golaha wadatashiga qaran oo ka furmay muqdisho iyo puntland oo ka maqan

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More