Shirka Golaha Wasiirada Xukuumada Federalka oo looga hadlay Amniga Doorashoyinka

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa looga hadlay qodobbo ay ka mid yihiin Amniga Doorashooyinka, Amniga Qaranka iyo  xuduudaha dalka, kaalinta IGAD ee xal u helista khilaafka Soomaaliya iyo Kenya, halka lagu dhageystay warbixinno la xiriira socdaalkii  Ra’iisul Wasaaraha ee Puntland iyo Galmudug.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa Warbaahinta u sharxay qodobada ka soo baxay shirka Golaha Wasiirada.

“Socdaalkaas ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ugu gogol xaarayay doorashooyinka dalka, ku qiimeynayay xaaladda dowlad-goboleedyada, kulana kulmayay qeybaha bulshada” ayuu yiri Wasiir Cismaan Dubbe, oo intaas ku daray in Ra’iisul Wasaaruhu uu Golaha warbixin ka siiyay falkii argagixiso ee ay geeriyoodeen saraakiil ciidan ee ka dhacay Gaalkacyo.

Ugu danbayntii Golaha Wasiirada ayaa ansixyey Xeerka xaqa iyo xuquuqda shaqaalaha iyo siyaasadda fayodhowrka biyaha oo ay soo gudbiyeen Wasaaradaha Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha.