Shirka Guddiga Farsamada oo maalintii labaad ka socda Baydhabo

Guddiga Farsamada ee ka kala socda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo kulan shalay uga furmay magaalada Baydhabo ayaa maanta yeelanaya kulankoodii labaad iyadoo la sheegay in kulankii xalay uu hormar sameeyay.

Guddoomiyaha Guddiga Farsamada Dowladda Federaalka, ahna Wasiirka Dastuurka Soomaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in maalintii 1-aad horumar laga gaaray shirka Guddiyada uga socda baydhabo, kaas oo xalay xilli dambe soo gaaray.

“Shirkii Guddiga Farsamada ee Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir wuxuu maalintii koowaad noogu dhamaday jawi wanaagsan, hawlihii lanoo igmadayna waxaanu ka gaarnay horumar la taaban karo.”ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka dastuurka ahna guddoomiyaha guddiga farsamada shirkan ayaa rajo weyn ka muujiyay in shirkan uu ku soo dhamaado is afgarad wanaagsan oo laga gaaro dhamaystirka qodobadii la isku haayay ee shirarkii magaalada Dhuusamareeb.