Shirka Guddiga Farsamada Wadatashiga Doorashooyinka oo qeyb ka mid ah Muqdisho uga furmay

Guddiga farsamada ee Wadatashiga Doorashooyinka ee heer Wasiir ayaa qeyb ka mid ah maanta uu shir ugaga furmay Hotelka Decale ee Garoonka Aadan cadde.

Guddigan oo isugu jirey Dowlada Federalka,dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaan kulankooda maanta furmay waxaa ka maqan wakiiladii ka socday maamul goboleedyada Galmudug,Jubbaland iyo Puntland.

Hore ayaa waxaa Guddigan aya shir ugu yeesheen magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Koofurgalbeed,balse kulankan ayaa ah mid ay ku kala qeybsameen guddiga.

Shirkan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo caasimada dalka ay ku sugan yihiin inta badan madaxda maamul goboleedyada dalka isla markaana