Shirka Madaxda dowlada,dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo furmay

Shir u dhaxeeya dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada dalka ka jira iyo gobolka Banaadir ayaa goor dhow ka furmay teendhada Afisiyoone.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa markii u horeysay hor-fariistay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihiisa Rooble, kaddib saddex todobaad oo Muqdisho ku sugnaayeen.

Shirka maanta ayaa la filayaa in looga heshiiyo ajandaha shirka soo socdo, is fahamka shirkan hordhaca ah laga gaaro ayay ku xiran tahay jawiga uu ku furmi doono shirka rasmiga ah.

Beesha caalamka ayaana gacan ka geesatay qabsoomida shirkan horu dhaca ah ay saakay isugu yimaadeen madaxda dowlada federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, waxaana la sheegay in beesha caalamka kaalin muuqata ku leedahay shirkan iyo socodsiintiisa.