Shirka Musharaxiinta Madaxweynaha oo maalintii labaad galay iyo doodda arrinta Guddiyada…

Waxaa maalintii labad galay shirka Wadatashiga ee Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo shirka uu weli yahay mid albaabada u xiran oo saxaafadda kaliya loo ogol yahay inay muuqaalo iyo sawirro ka qaataan ka hor inta aanay doodda bilaabin.

Shirka maanta waxaa diiradda lagu saarayaa arrinta muranka weyn ka jirta ee guddiyada doorashada ee dowladda iyo maamul goboleedyada soo magacaabeen.

Waxaa xalay jiray kulan dhex maray Musharaxiinta Madaxweynaha ee ka soo jeeda Galmudug ay la qaateen Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, waxaana si adag looga dooday arrinta guddiga doorashada Galmudug.

Warbixinta kulankaas ayaa lagu soo bandhigi doonaa kulanka maanta, waxaana Musharaxiinta kalena ay xiriiro khadka taleefanka la sameyn doonaan Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada kale, si ay ugala hadlaan arrinta guddiga.

Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa ku cadaadinaya dowladda Federaalka inay dib u eegis ku sameyso Guddiga doorashada oo ay wax ka bedesho xubnaha guddiyada oo ay sheegeen in aanay dhex dhexaad aheyn oo ay aheyn ciidan iyo shaqaale dowladeed.

Shirka ayaa waxaa la soo gabagabeyn doonaa maalinta berri, waxaana laga soo saari doonaa war murtiyeed looga hadlayo xaalada siyaasadeed iyo doorashooyinka.