Shirka Wadatashiga Dowlada Federalka iyo Dowlad Goboleedyada oo goor dhow ka furmaya Dhuusamareeb

Shirka Wadatashiga Dowlada Federalka iyo Dowlad goboleedyada ayaa lagu wadaa in saaka uu si rasmi ah ugaga furmo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha DFS, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, dhammaan madaxda Dowlad Goboleedyada Galmudug, Puntland, Jubbaland, Koofur Galbeed,Hir-Shabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa ku wada sugan magaalada Dhuusamareeb.

Shirka oo la qorsheeyay inuu furmo 1dii bishan ayaa dib u dhac uu ku yimid waxaana xalay ka dhacay magaalada Dhuusamareeb kulamo gaar gaar ah oo u dhaxeeya Madaxda Heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed si ay uga sii xaajoodaan qodobada shirka ee doorashada si gaar ah ka gudubka caqabadda hortaagan fulinta heshiiska 17-ka September 2020 ee lagu jaangooyay Doorashooyinka Soomaaliya.