Shirkad lacagaha ka qaadi jirtey dekedda Bosaso oo shaqo joojin lagu sameyay

Madaxweynaha Puntland Siciid Candullaahi (Deni) ayaa sheegay in la joojiyey lacagihii shirkadda BNO ka qaadi jirtey dekedda Boosaaso, oo hoos tagga shirkadda DP World.

Hadalkan ayuu maanta ka sheegay Madaxweyne Deni xarunta baarlamaanka Puntland, oo uu ka furayey kalfadhiga 48-aad ee baarlamaanka Puntland.

Hadalka Deni ayaa imanaya xili ay jiraan dad wali ka walaacsan in aan shaqo laga bilaabin dekedda, oo ay shirkadda DP World la wareegtay afar sano kahor

Shirkadan DP World ee laga leeyahay Emirate-ka, ayaa heshiisyo la gashey maamulada Somaliland iyo Puntland, taasoo ay isku maan dhaafeen dowladda dhexe ee Soomaaliya.