Shirkadda Twitter oo gebi ahaanba hawada ka saartay cinwaan Trump

Shirkadda Twitter ayaa gebi ahaanba waxay si rasmi ah hawada uga saartay cinwaanka Madaxweynaha xilka ka sii daga Donald Trump, iyadoo barta Twitter-ka ay aheyd baraha bulshada oo uu si weyn u isticmaali jiray.

Go’aan ka soo baxay shirkadda ayaa waxay ku sheegtay in baaritaan lagu sameeyay qoraaladiisa u dambeeyay ee uu soo dhigay ay ku go’aansatay in meesha laga saaro cinwaanka Trump.

Sidoo kale Shirkadda ayaa sheegtay inay jiraan walaac laga qabo inuu Trump adeegsado halis sii hurin karta rabshadaha ka taagan Mareykanka, kaddib tallaabadii dhowaan ay ku dhaqaaqeen taageerayaasha Trump oo ay xoog ku galeen xarunta Koongareeska.

Donald Trump ayaa cambaareeyay falkii taageerayaasha ku galeen xarunta Koongareeska, waxaana uu tilmaamay inuu diyaar u yahay howsha xil wareejinta oo la filayo inay dhacdo 20-ka bishan.