Shirkii 6-aad ee Caafimaadka jaamacadaha Simad, Jamhuuriya iyo Zamzam oo lagu soo xiray Muqdisho

Shirkii 6-aad ee Caafimaadka jaamacadaha Simad, Jamhuuriya iyo Zamzam oo lagu soo xiray Muqdisho

Mar. 20 (Jowhar.com)-Waxaa si guul ah kusoo dhamaaday shirka caafimadka kalkii 6aad( 6th Conference on Medicine and Health Science CMHS) ee ay wada qabtaaan jaamacaddaha ( Jamhuriya University of Science and , SIMAD University IYO ZAMZAM University of Science and Technology):

Shirku sanadkan wuxuu diiradda saarayay Caqabadaha Caafimaadka Dhimirka iyo Isticmaalka maandooriyaha.

Furitaankii shirka waxaa Kelmado soo dhowayn ah ka jeediyay Dr Kassim Abdi Jimale, oo ah gudoomiye ku xigeenka Cilmi baarista iyo horumarinta Jaamacadda Jamhuriya, Sidoo kalena ah gudoomiyaha Shirka 6aad ee caafimaadka.

Sidoo kale waxaa kelmaddo ku aadan furitaanka soo jeediyay 1. Eng. Abdirazak warsame Abdulle, Gudoomiye Ku xigeenka Arimaha waxbarashadda ahna Ku simaha Gudoomiyaha Jaamacadda Jamhuriya, 2. Eng Mohamed Mohamud Mohamed, Ku simaha Gudoomiyaha Jaamacadda SIMAD., 3. Gudoomiyaha Jaamacadda Zamzam Eng. Mohamud Mohamed Harbi, 4. Dr Lul Mohamed Mohamud, Ahna Gudoomiyaha Midwoga Dhakhaatirta soomaaliyed.

Ugu dambayn waxaa kelmado furitaan iyo dhiiri gelinta wadashaqaynta jaamacaddaha soo jeediyay Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshadda Hon Mohamed Hassan Mohamed Bulaale.

Shirku wuxuu socday 2 maalin, waxaa lagu soo bandhigay cilmi baarisyo kor u dhaafaya 20, waxaa jira 2 dood cilmiyeed oo ay kasoo qaybgaleene in ka badan 10 khubaro oo dalka gudihiisa iyo dibaddisaba ka yimid, 4 keynote speech .

Maalintii 2aad waxaa lagu soo xidhay abaalmarino la siinayay Gudiddia 3 da jaamacadood ee soo agaasintay qabsoomida shirkan, 3 arday ee ugu saraysay cilmi baarisyadii ardaydu soo jeediyeen. waxaana gababadii Soo xidhay shirka, Gudoomiyaha Shirka, gudoomiyayasha 3da jaamacadod, Iyo Gudoomiyahay Midowga Jaamacaddaha Soomaaliyeed Dr Mohamed Mohamud Hassan (Dr bide.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More