Shixnadii u horeysay ee Talaalka Covid-19 oo la keenay Muqdisho (Sawirro)

Waxaa maanta la keenay magaalada Muqdisho shixnadii u horeysay ee Talaalka Covid-19 ee barnaamijka Covax, iyadoo tallaalkan uu gaarayo illaa 300,000 kun.

Diyaarad ay leedahay WFP ayaa lagu keenay shixnadan tallaalka Covax, waxaana garoonka diyaaradaha xilliga laga soo dejinayay ku sugnaa Wasiirka Caafimaadka iyo Wakiilka Qaramada Midoobey James Swan.

Shixnadan ayaa ah qeybtii ugu horeysay ee tallaalka Covax, waxaana jira su’aalo ka taagan tallaakan uu soo saaray Britain, kaddib markii dad lagu duray ay ku xanuunsadeen.

Dalal ka tirsan Yurub ayaa joojiyay tallaalkan, kaddib markii dad lagu duray uu ku sameeyay dhiig xinjiro ah.

Hey’adda Caafimaadka Adduunka WHO ayaa ku adkeysatay in aan la joojin adeegsiga tallaalkan, waxaana ay cadeysay in arrin dhiiga xinjirowga ay tahay aan caddeyn dhab loo heyn.