Siciid Deni oo la kulmay Boqor Buurmadow

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay kula kulmay magaalada Muqdisho Boqor Cismaan Aw- Maxamuud Maxamed (Buurmadow).

Deni ayaa hoyga Muqdisho uu ka degan yahay ku qaabilay Boqor Cismaan Aw- Maxamuud Maxamed (Buurmadow) iyagoo ka wadahalday xaaladihii ugu dambeeyay dalka gaar ahaan Puntland.

Boqor Cismaan Aw- Maxamuud Maxamed (Buurmadow) ayaa uga mahadceliyey Deni qabiilada uu qaabilay isagoona u rajeeyay Puntland iyo Soomaaliya Hor iyo xasilooni waarta.

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maalihii la soo dhaafay Muqdisho u joogay ka qeyb galka shirkii golaha wadatshiga Qaran ayaa markii uu soo dhamaday Shirka kulamo kala duwan la qaatay madax ka socotay Beesha Caalamka.