Sirdoonka Soomaaliya iyo Itoobiya oo ku heshiiyey iskaashiga iyo is-dhaafsiga xogaha
Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya Mahad Salaad iyo Agaasime ku xigeenka Hay’adda Sirdoonka Itoobiya Sisay Tola oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi iyo is dhaafsiga xogaha ah.
Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimada ay leedahay ka hor taga Aragagixisada ku sii baahaysa Bariga Afrika iyo inay haboontahay in si wada jir ah la isaga kaashado.
Mahad Salaad ayaa uga mahadceliyay dowladda Itoobiya garab istaageeda walaaltinimo iyo deeqihii caafimaad ee dhowaan ay soo gaarsiiyeen magaalada Muqdisho.
Sisay Tola Agaasime ku xigeenka Hay’adda Sirdoonka Itoobiya ayaa muujiyay sida uga xun yahay falkii argagixiso ee dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana uu tilmaamay si loo yareeyo cabsida laga qabo dhacdooyinka noocaan oo kale ah in la xoojiyo iskaashiga iyo la dagaalanka argagixisada ee Bariga Afrika.
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/wasaaraha Itoobiya ayaa dhowaan kulan ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ayaa waxay uga hadleen iskaashiga labada dal ee ku aadan ka hor taga qataraha Argagixisada.