Somaliland oo diiday tirada laga siiyay xujeyda sanadkan, iyagoo u dacwooday Sucuudiga

May 25 (Jowhar.com)-Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa ka biyo diiday tirada sannadka laga siiyay dadka tegaya Xajka.

Sida wararka la helayo ay tilmaamayaan, 350 qof ayaa Somaliland laga siiyay tirada dadka sannadka tegaya Xajka, taasoo ay saluug ka muujiyeen.

Xukuumadda Somaliland ee fadhigeedu yahay magaalada Hargeysa ayaa ku eedaysay dawladda Soomaaliya in aanay si caddaalad ah u qaybin tirada la siiyay Soomaaliya iyo Somaliland oo dhan 5,206 (shan kun laba boqol iyo lix Xaaji) Boqolkiiba 40% ayay doonaysay Somaliland in la siiyo.

Si kastaba, Dawladda Sacuudiga ayay Somaliland u gudbisay cabashadeeda sida Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland uu sheegay, lama oga waxa iska bedeli doona go’aankan.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani) ayaa dawladda Soomaaliya ku eedeeyey inay siyaasadaysay arrimihii Xajka ee sannadkan, kadib markii dawladda Sucuudigu u qoondaysay Somaliland iyo Soomaaliya inay sannadkan ka xajaan 5206 Xaaji, balse dawladda Soomaaliya qoondadaasi siyaasadaysay isla markaana ay ku takri faleen qoondadii Sucuudigu ay Somaliland ugu talo galeen una helaysay 2082 Xaaji balse Soomaaliya sheegtay inay Soomaaliland ka xajayaan 350 Xaaji, taasi oo Wasiirku ku tilmaamay mid aan la aqbali karayn.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More