Somaliland oo ka hadashay xaqiiqda warar ay baahisay warbaahinta Israel.

July 11 (Jowhar.com)-Xukuumadda Somaliland ayaa beenisay war uu 9-kii bishan baahiyay wargayska The Times of Israel, kaasoo lagu sheegay in xubno ka socday maamulka Somaliland ay ka qeyb galeen shir ay soo agaasintay Israel oo lagu qabtay dalka Faransiiska bishii May ee sanadan 2022.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in wasiirka Gaashaandhigga Somaliland aanu qeyb ka eheyn xubnaha ka qeyb galay shirkaas oo looga hadlayay xiriirka Israel iyo Afrika.

“Warar aan sal iyo raad toona lahayn ayaa lagu baahiyay wargayska The Times of Israel kaas oo ay  ku sheegeen in Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiggu JSL uu ka qayb galay shir lagaga hadlayay iskaashiga Israel iyo wadamada Afrika, waana been cad oo marag ma doona” ayaa lagu yiri qoraalka wasaarada

Wasiirka Difaaca Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayey sheegeen in xiliga shirkaasi uu Faransiiska ka dhacay uu ku mashquulsanaa munaasabadda 18-ka May, iyagoo sheegay inaanu xiligaasi ka tagin deegaanada Somaliland.

“Abdiqani Maxamuud Caateeye waxa uu mudooyinkii u dambeeyay ka shaqaynayay hawlaha qaranka ee horyaala waxa uu ka mid ahaa gudidii  qaban qaabada maalinta qaran ee 18May waxaana uu ahaa gudoomiye ku xigeenka gudadda 18may, Wakhtigaa uu wargaysku ku sheegay” ayaa lagu yiri qoraalka wasaarada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More