Somaliland oo ku tilmaantay farogelin xilka loo magacaabay Yuusuf Garaad

Qoraal ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibbada Maamulka Somaliland ayaa ku tilmaamay farogelin magacaabista Danjire Yuusuf Garaad Cumar oo madaxweyne farmaajo u magacaabay in uu noqdo Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Maamulka Somaliland ayaa ku tilmaamay magacaabista Yuusuf Garaad inay tahay dagaal siyaasadeed iyadoo beesha caalamka ugu baaqday in ay arrintan soo farogeliso.

Dhinaca kale Yuusuf Garaad Cumar ayaa soo dhoweeyay xilka loo magacaabay isagoo ugaga mahadceliyay Madaxweyne Farmaajo magacaabista.