Soomaali ka soo carartay Yemen oo soo gaartay magaalada Boosaaso

556

Qaxooti ka soo cararay dagaalada Yemen ayaa soo gaaray magaalada xeebta ku taal ee Boosaaso ee Maamulka Puntland.

Dadkan oo hore uga cararay dalka Soomaaliya ayaa go’aansaday in dalka dib ugu soo laabtaan kadib markii colaada Yemen ay noqotay mid joogto ah.

Sidoo kale qaxootigan soo gaaray magaalada Boosaaso xalay ayaa waxaa kamid ah muwaadiniin u dhalatay dalka Yemen.

War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha gudaha dowladda Puntland ayaa lagu sheegay in dekedda Boosaaso ay xalay soo gaareen 80 qoys oo u badan haween iyo carruur.

Colaada ka jirta dalka Yemen ayaa noqotay mid aan joogsan iyadoo macluul ay soo wajahday dadka ku nool dalka Yemen.