Soomaalida oo lagu weerarayo dalka Turkiga oo ay ka jirto Soo Galooti Naceyb

Wargeyska ANI oo ka soo baxay dalka Hindiya ayaa warbixin dheer ka qoray dhibaatada ku haysata dadka Soomaaliyeed ee u tegey dalka Turkiga ganacsi iyo inay shaqooyin ka helaan tobankii sano ee ugu dambeysay.

Muddo sanado ah, Soomaalidu wax badan ayay ku soo kordhiyeen dhaqaalaha Turkiga, balse hadda barwaaqada ay geeyeen ayaa noqotay bartilmaameedka lagu xad-gudbo dalka Turkiga, halkaasoo ay ku soo badanayaan nacaybka soo galootiga.

Sida laga soo xigtay hay’adda caalamiga ah ee fadhigeedu yahay “Canada, International Forum for Rights and Security” (IFFRAS), Turkigu waa waddan danaystayaal ah oo leh ajande u gaar ah oo diiradda saaraya dhaqaalahooda iyo siyaasadooda.
Halkii uu Turkigu u fududayn lahaa horumarka Soomaaliya waxa uu u adeegsaday shirkado ay dawladdu maalgeliso si ay hantidooda uga faa’iidaystaan, kuwaas oo dhammaantood qayb ka ah dabinka horumarineed ee huwan magaca diinta.

Toban sano ka hor sanadkii 2011, madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ka soo degay magaalada Muqdisho, iyadoo ay halkaasi ka dhacday abaartii ugu darneyd ee soo marta Soomaaliya.

Muddadaas, ku dhawaaqistiisa mashaariic waaweyn oo ay ka mid yihiin duullimaadyada Turkish Airlines ay ku imanayso caasimadda Soomaaliya, dib u habeyn lagu sameeyay isbitaal, furitaanka safaaradda ugu weyn ee Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya ayaa muujisay in howsha Turkiga ay ka gudubtay gargaar iyo in Ankara ay tahay beddelka deeq-bixiyeyaasha dhaqanka ee Soomaaliya.

Booqashadan taariikhiga ah waxay ku kasbatay Erdogan ammaan sare dhammaan Soomaaliya.

“Toban sano ka dib, Soomaalidu waxa ay bilaabeen in ay ogaadaan in Turkigu uu ka baxay saaxiibtinimadiisa una gudbay cadawtinimo, ganacsigiisana uu noqday daneyste,halkii dowladnimda xoojin lahaana uu noqday qaswade toos ah,” ayay tiri IFFRAS.
Soomaalida ayaa dukaamo iyo shirkado latalin oo kala duwan ku leh Ankara. Sidoo kale waxaa waddooyinka kala duwan ee caasimadda lagu arkayaa maqaayado, Timo-jareyaal, iyo Suuqyo ay leeyihiin Soomaalida.

Illaa dhawaan, warbaahinta dowladda Turkiga ee taageerta waxay ahayd mid si weyn looga hadal hayay ka qayb qaadashada dhaqaalaha Turkiga ee ganacsatada Soomaaliyeed. Si kastaba ha ahaatee, waayadan dambe, barwaaqada xaafad ay Soomaalidu ku badan tahay ayaa Turkiga ka noqotay meel lagu dhibaateeyo.

Bishii Abriil, 2021, wargeyska garabka midig wuxuu caan ku yahay tebinta soo galootiga ka soo horjeeda, wuxuu ku soo bandhigay warbixin cinwaan looga dhigay “Xarunta Ankara waxay noqotay Soomaaliya”, warbixintu waxay sheegtay in ganacsatada iyo magangelyo-doonka ka yimid dalka ku yaalla Bariga Afrika ay gabi ahaanba u beddeleen laba waddo oo ku taalla Kizilay dal Soomaali.

Wixii markaas ka dambeeyay, booliiska oo xiran dhar cad ayaa billaabay inay booqashooyin joogto ah ku tagaan goobaha ganacsi ee ay Soomaalidu ku leedahay halkan, iyagoo sameynaya baaritaanno aqoonsi oo goos-goos ah iyo inay dhibaateeyaan macaamiisha, ayay sheegtay IFFRAS.

Bishii Sebtembar 2021, dhacdo argagax ku beertay xaafadda, boolisku waxay xireen oo ay ku amreen in la tarxiilo dhowr qof oo Soomaali ganacsi ku lahaa xaafaddaas, taasoo ku qasabtay inay iibiyaan ganacsigooda ama ay gebi ahaanba xiraan.

Dhacdo aad loola yaabay ayaa waxa si qasab ah lagu burburiyay boodhadhka dukaamada ay ku qoran yihiin magaca ‘Soomaaliya’ ama weeraha af-soomaaliga ku qoran oo lagu beddelay magacyo Turki ah sida; Somali Sofrasi waxay noqotay Guzelyurt Sofrasi.

Soomaalida iyo dukaanleyda ayaa ku andacoonaya in boorarka wax lagu badelay markii ay cadaadis kala kulmeen ciidamada ammaanka, iyadoo dhanka kale saraakiisha ammaanku ay sheegeen in arrintaan ay ka timid dowladda hoose, isla markaana aysan wax war ah ka haynin arrintan, sida ay sheegtay IFFRAS.

Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah, dadka Soomaalida ah ee soo gala waddooyinka ayaa si qasab ah loogu kaxeeyaa saldhigga sababo ay ka mid yihiin codsiyo aqoonsi, waxaana la sii daayaa kadib saacado ah. Macaamiisha Soomaalida ayaan hadda dareemeynin ammaan imaanshiyaha waddooyinka dhaqamadan dartood.

Waayo-aragnimadan dhow waxay ka werwerseen mustaqbalkooda. Ganacsigii Soomaalida waa la dhibay. Dadku ma rabaan inay mar dambe yimaadaan dukaamadooda.

Ilo xog ogaal ah oo la socda fikirka booliska ayaa u sheegay in maamullada maxalliga ah aysan dooneyn in Soomaalida iyo ganacsigooda ay ka muuqdaan bartamaha magaalada Ankara.

Shisheeye naceybka ayaa ku sii badanaya dalka Turkiga, booliskana ma rabaan Soomaalida ku nool Kizilay.
Waxay rabaan oo kaliya in Soomaalida aan lagu arki karin bartamaha magaalada, ayay tiri IFFRAS.

Xigasho;ANI

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More