Soomaaliya oo markale ka hadashay go’aanka Guddiga Dhexdhexaadinta IGAD

Dowladda Soomaaliya ayaa markale eedeyn dusha uga tuurtay guddiga dhexdhexaadinta IGAD iyadoo ku tilmaantay in guddigaas uu yahay mid aan dhexdhexaad ahayn.

Qoraal ka soo baxay wasaarada arrimaha dibadda ayaa ugu baaqday Urur Goboleedka IGAD in la baabi’yo guddiga xaqiiqo raadinta oo hore loogu xilsaaray in ay baaritaan ku sameeyaan faragalin la sheegay in Kenya ay ku hayso Soomaaliya.

“Guddiga intii ay ku guda jireen Howlahooda shaqo dhowr jeer lagu qaaday diyaaradaha Ciidanka Kenya, waxaana ay taas tahay mid galaan gal hoose uu u dhexeya guddiga iyo Kenya,”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay dowlada Kenya.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu xusay in guddiga ay dhowr jeer booqdeen gudaha dalka Kenya ayna diideen inay booqdaan gudaha dalka Soomaaliya.