Soomaaliya oo Norwey kala hadashay wax ka qabashada gurmadka abaaraha.

Oct. 13 (Jowhar.com) -Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Oslo ayaa kulammo kala geddisan la yeeshay madax ka tirsan Dowladda Noorwey.

Kulamada oo ay qeyb ka ahayeen Wasiiru-dowlaha arrimaha debedda, xog hayaha guud ee wasaaradda arrimaha Debedda, xoghayaha guud ee xafiiska geeska Afrika ee wasaaradda arrimaha debedda iyo xubno kale ayuu Ergaygu xoogga ku saaray sidii dawlada Noorwey ay u xoojin lahayd dedaallada wax looga qabanayo abaarta Soomaaliya isaga oo codsaday in Noorwey qeyb libaax ka qaadato wax ku bixinta iyo u qareemidda gurmadka abaaraha iyo sidii ay deeq-bixiyayaasha ugu soo jeedin lahayd in wadajir looga hor tago macluul daran oo Soomaaliya ka dhacda.

Dowladda Noorwey oo hoos u dhigtay miisaaniyadda deeqaha ayuu ergeygu isaga oo muujinaya sida Soomaliya ay uga mahad-qabto taageerada Noorwey ayuu haddana xasuusiyay dhabarjabka deeq dhimistu ay ku keeni karto natiijooyinka wanaagsanaa ee ay horseedeen kaalmodii kala duwaneyd ee dowladda Noorwey ay ku xoojisay dowlad-dhiska soomaaliya.

Sidoo kale Ergeygu wuxa uu la wadaagay xubnihii uu la kulmay, halka uu marayo kacdoonka shacabka iyo guulaha milatari ee ka dhanka ah argagixsada, kuwaasoo uu ku tilmaamay yididiilo wanaagsan oo billow u ah amniga iyo xasiloonida Soomaaliya, isaga oo ka codsaday dawlada Noorwey in marka lagasoo tego taageerada dagaalka la iskaga xoreynayo argagixisada sidoo kale laga taakuleeyo Dowladda Soomaaliya xasilooni kusoo dabbaalidda iyo awoodda bixinta adeeggayada bulshada ee goobaha argagixisada laga ceyriyay.

Madaxdii kala duwaneyd ee Ergeygu la kulmay ayaa tilmaamay mudnaanta Noorwey ay siineyso joogteynta garab istaagga dowladnimoda iyaga muujiyay in ay dedaal hor leh u geli doonaan taakuleynta Soomaaliya ee dhanka Abaaraha iyo sidoo kale dowlad-dhiska.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More