Sucuudiga oo ku dhawaaqay in beri ay tahay maalinta koowaad bisha Ramadaan

April 01 (Jowhar.com) –Boqortooyada Sacuudiga ayaa goordhow ku dhawaaqday in maalinimada beri oo Sabti ah ay tahay maalinta koowaad ee bisha barakeysan ee Ramadaan, taasoo ka dhigan in bishii Shacbaan ay ku soo dhamaatay 29.

Qoraal ka soo baxay Boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu sheegay in bisha Ramadaan laga arkay qeybo badan oo kamid ah dalkaasi, iyadoo isla caawa salaada taraawiixda laga tukanayo Masjidka Xaramka Salaada cishaha kadib.

Sacuudiga ayaa hore ugu diiwaan-geliyay jadwalka Ummul-Qura in bisha Shacbaan ay dhalatay Khamiistii 3/4/2022-ka Miilaadiga, ayna maanta tahay 29-ka Shacbaan, midaasi oo waajib ka dhigeysay in la baaro bisha Ramadaan, oo goordhoweyd si rasmi ah loo xaqiijiya.

Majirto wali wax war ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya, waxaase jira baadi doon ay wado wasaarada Diinta iyo Awqaafta, taasoo gobolada dalka xiriiro lagula sameynayo bal si loo ogaado iney jirto meel laga arkay curashada bisha Ramadaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More