Sucuudiga oo soo bandhigay laba arrin oo ay ka fulinayaan gobolka Banaadir.

Sept. 29 (Jowhar.com)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay danjiraha Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Maxamed Bin Axmed Almuwallad oo ugu yimid Duqa Muqdisho in uu ugu Hambalyeeyo Magacaabida Hogaanka Gobolka Banaadir iyo Caasimadda Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Danjire Maxamed Bin Axmed ugu Mahadceliyay sida Dowladda Sacuudiya u taageerto dalka Soomaaliya iyo sida ay ugu go’an tahay Soomaaliya in ay sii xoojiso xiriirka ka dhaxeeya labada shacab, taasi oo ku qotonta iskaashiga iyo wax wada qabsiga labada dal.

Danjire Muwallad ayaa xaqiijiyay in Dowladda Sacuudiga ay kala shaqeyn doonto Duqa Magaalada Muqdisho dhinacyada horumarka, dib-u-dhiska iyo Maalgeshiga Caasimadda si dhaqaalaha u kobco isla markaana shacabka Muqdisho ay u helaan fursado shaqo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More