Taiwan oo ka caawineysa Somaliland horumarinta beeraha

Taiwan ayaa bilaabaysaa barnaamij ay Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madax-bannaanida ee Somaliland kaga caawinayso kor u qaadidda wax soosaarka beeraha.

Wasaaradda beeraha Somalialnd iyo madaxda safaaradda Taiwan ay ku leedahay magaalada Hargeysa oo wadajir u shaaciyay barnaamijkan ayaa sheegay in beeralayda Somaliland lagu barayo sida dhul kooban loogu beeri karo wax badan.

Agaasimaha wasaaradda beeraha ee Somaliland Rooble Cabdi Muuse ayaa sheegay in barnaamijkan uu kamid yahay mashruucyo dhowr ah ay Taiwan ka hirgelineyso Somaliland si loo horumariyo kobcinta iyo wax soo saarka beeraha.

“Waa mashruuc loo qaabeeyay hab iskaashi, wasaaradda ay in ku dareyso, Taiwan ay inta kale la imaaneyso, wuxuu mashruucani kaga duwan yahay mashaariicdii kale waa mashruuc loo hirgelinayo hab tijaabo ah”

“Taiwan waxay dalka ka sameyn doontaa beer, beertaas oo u adeegi doonto hab soo bandhigeed, markaa beertaas iyadoo adeegsaneysa habab casri ah oo dhul yar laga soo saari karo wax badan”
Maamulka Somaliland iyo Taiwan ayaa waxaa ay ka mideysan yihiin aqoonsi la’aan haysata kadib markii maamul walba uu sheegtay inuu ka go’ay dalkii uu hore uga tirsanaa.