Talaal uu soo saaray dalka Shiinaha oo maanta la keenayo Muqdisho

Dowladda Shiinaya ayaa maanta la filayaa inay Muqdisho keento Tallaalka Covid-19 oo horay dalkeeda u soo saaray.

Tallaalkan oo dhan illaa 200,000 ayaa ah tallaalka ka hortagga Covid-19, oo lagu magacaabo Sinopharm Vaccine.

Warbaahinta dowladda ayaa shaacisay in dowladda Soomaaliya la wareegi doonto talaalkan Shiinaha soo saaray.

Safiirka Soomaaliya u qaabilsan dalka Shiinaha Cawaale Cali Kulane ayaa maalmo ka hor saxiixay heshiis Tallaalka Covid-19 lagu keenayo Soomaaliya.

Danjire Cawaale ayaa heshiiskan la galay Shirkadda soo saartay tallaalka Sinopharm ee dalka Shiinaha.

Waa tallaalkii labaad oo la keeno Muqdisho, bil ka hor ayay aheyd markii Muqdisho la keenay Tallaalka Aster-zeneca ee uu sameeyay dalka UK, inkastoo durba tallaalkaas lagu furay tashwiish, kaddib markii dadka isticmaalay tallaalkaas lagu arkay dhiigga xinjirowga.