Taliska Booliska oo war ka soo saaray gawaari xamuul oo Al-Shabaab gubeen

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Dhamme Sadiiq Aadan Cali ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab in xalay ay gubeen todobo gaari oo xamuul ay leeyihiin dad shacab ah.

Al-Shabaab ayaa gaadiidkan xamuulka ku gubay deegaan ka tirsan Gobolka Bakool, waxaana gaadiidkan ay ka baxeen Beledweyne, waxayna ku sii jeedeen degmada Xudur.

“Xalay abaare 08:00 fiidnimo ayeey Argagixisadu ku gubeen 7 gaadiid ah oo nuuca xamuulka qaada ah bananka hore ee Tuulada EMED KOOREEY ee Gobolka Bakool, gadiidkaan oo ay lahayeen isla markaana u rarnaa dadka shacabka ah, ayaa ka soo baxay Baladweyne kuna sii jeeday Xudur”ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Booliska.

Al-Shabaab ayaa muddo sanado ah go’doominaya degmooyin ka tirsan Gobolada Baay iyo Bakool, waxayna jareen waddooyinkii sahayda u mareysay, waxaana degmooyinka qaar ka jira xaalado nololeed, iyadoo sahayda iyo raashinka lagu geeyo diyaarado.