Taliska Ciidanka Booliska oo beeniyay in ciidamo cusub la geeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho

xijaar

Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa beeniyay warar sheegayay in ciidamo cusub la geeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

War Saxaafadeed ka soo baxay taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay inaysan jirin ciidamo cusub oo la geeyay garoonka Aadan Cadde.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa sheegay in xalay ciidamo badan la dul dhigey halka uu ka degen yahay xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Halkan hoose ka aqriso war saxaafadeedka ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska;

taliska ciidanka booliska oo beeniyay in ciidamo cusub la geeyay garoonka diyaaradaha muqdisho