Taliska Mareykanka ee AFRICOM oo war ka soo saaray duqeyn ka dhacday Gobolka Baay

US forces bomb Sakow district

War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika oo loo yaqaano AFRICOM ayaa lagu faah faahiyay duqeyn cirka ah oo ka dhacday Gobolka Baay.

Qoraalka ka soo baxay Taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Ciidamada Soomaaliya ayaa waxay duqeyn cirka ka fuliyeen deegaanka Buula Falaay oo ku taalla xuduudka halka iska galaan Baay iyo Shabeellaha Hoose.

Weerarka ayaa la sheegay in lagu dilay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab, inkastoo aan magaciisa la sheegin.

“Duqeynta ka dhacday Buulo fuulaay, waxay muujineysaa go’aankeenna waxayna hoos u dhigeysaa awoodda Al-Shabaab ee hanjabaadda Soomaaliya iyo deriskeeda, waxaan qorsheyneynaa in aysan jirin meel ammaan ah oo ay ku dhuuntaan Al-Shabaab” ayuu yiri Maj. Gen. Dagvin Anderson.

Mareykanka oo dhowaan Soomaaliya kala baxay Ciidamadiisa ayaa fuliyay dhowr duqeyn oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana sanadkan cusub uu qaaday illaa labo weerar.