Taliyaasha Ciidamada Booliska iyo Milatariga oo gaaray magaalada Gaalkacyo

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Gen. Odawaa Yuusuf Raage iyo Taliyaha Ciidamada Booliska General Cabdi Maxamed Xasan Xijaar iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo.

Ujeedada Saraakiisha Ciidanka Dowladda ee Gaalkacyo ayaa lagu sheegay inay tahay ka qeybgalka aas qaran oo loo sameynayo Saraakiil ka tirsan Ciidanka oo gelinkii dambe ee shalay ku geeriyooday Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Saraakiisha ku dhintay Qaraxii Is-miidaaminta ah ayaa waxaa kamid ahaa Taliyihii Ciidanka qeybta 21-aad ee Cabdicaiis Cabdullaahi Qoooje, Taliyihii Ciidanka DANAB ee Galmudug Gaashaanle Mukhtaar Cabdi Aadan, ku-xigeenkiisii, Guddoomiyihii horey ee Gaalkacyo ee Puntland Maxamuud Yaasiin Tumey iyo Saraakiil kale oo goobta ku sugnaa.

Ammaanka magaalada Gaalkacyo gaar ahaan qeybta Koofureed ayaa si aad ah loo adkeeyay maanta iyadoo sidoo kale ay ciidamadu howlgalo ka fuliyeen xaafado ka mid ah magaalada Gaalkacyo.