Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Africa Gen Townsend oo booqasho ku jooga Muqdisho

Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Africa “AFRICOM” Gen. Stephen Townsend ayaa booqasho ku yimid caasimada dalka ee Muqdisho isagoo la kulmay wasiirka gaashaandhigga iyo saraakiil ka tirsan ciidamada milatariga Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Africa “AFRICOM” Gen. Stephen Townsend oo kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa waxa ay uga wada hadleen iskaashiga iyo xiriirka Milatari ee labada Dowladeed iyo dardargalinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwasi oo ka socda qeybo ka mid ah goobaha ay Al-Shabaab kaga dhuumaaleysanayaan qaar ka mid ah gobollada dalka.

Sidoo kale waxa laga wada hadlay taageerada Mareykanka ee ku aadan tababarada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo xoojiyo tayada ciidamada qalabka sida.
Kulankan ayaa dhacay xilli la shaaciyay in ciidamada Maraykanka ee joogay dalka Somaaliya laga daadgureeyay kadib markii uu amray madaxweynaha xilkiisa ay ka harsan tahay labada cisho ee Donald Trump.