Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya Oo Kormeeray Saldhiga Booliiska Gaalkacyo

booq

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo saraakiil ka tirsan ciidanka booliiska Soomaaliyeed oo kormeero shaqo ku joogo deegaanno ka tirsan Galmudug ayaa maanta kormeeray saldhiga Booliiska degmada galkacyo ee galmudug iyo kontoraalada amniga ee magaalada galkacyo qaarkood.

Kormeerka ayaa qeyb ka ah booqashada uu taliyaha ciidamada booliska ku joogo dowlad goboleedka Galmudug.

Taliyaha ayaa waxa uu kala hadlay saraakiisha uu la kulmay sidii loo adkeyn lahaa ammaanka magaalada Gaalkacyo oo ka mid ah xarumaha ay ka dhici doonaan doorashada xildhibaanada golaha shacabka.

Waxaa uu taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyed Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) intii uu ku guda jiray kormeerkiisa waxa uu warbixinno la xariira howalaha shaqo ka dhageysatay Saraakiisha ciidanka booliska galmudug ee ku sugnaa saldhigyada iyo baraha koontorool magaalada galkacyo.

Afhayeenka ciidanka booliiska Soomaaliyeed Gaashaanle Sidiiq Aadan Cali (Doodishe) oo ka mid aha saraakiisha uu hogaaminayay taliyaha ciidanka booliska ayaa kormeerka kadib warbaahinta la wadaagay kormeerka ay ku tageen deegaanno ka tirsan Galmudug.