Taliye Odowaa “Meydadka Al-Shabaab ayaa yaalla Bariire iyo Awdheegle”

odowaa

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in jab xooggan ay gaarsiiyeen dagaalamayaashii Al-Shabaab ee soo weeraray Awdheegle iyo Bariire, halkaasoo waabarigii hore ee saaka uu ka dhacay qaraxyo iyo dagaal culus.

Taliye Odowaa oo la hadlayay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in meydadkooda uu yaallo Bariire iyo Al-Shabaab, lana jebiyay, isla markaana khasaare xooggan la gaarsiiyay.

“Meydadkooda ayaa yaalla Bariire iyo Awdheegle, jab xooggan iyo khasaare lixaad leh ayaana la gaarsiiyay”ayuu yiri Jen. Odowaa.

Saldhigga la weeraray ee Awdheegle iyo Bariire ayaa waxaa ku sugan Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka, gaar ahaan Guutooyinka Gorgor iyo Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada ee Ururka 60aad oo horay deegaanadaas loo geeyay.

Al-Shabaab ayaa baraha bulshada ay ku leedahay iyana ku sheegtay inay dagaalka kaga dishay Ciidanka dowladda illaa 47 askari, kuna furatay saanad ciidan iyo illaa lix gaadiidka dagaalka.