Taliyihii qeybta 21aad iyo Taliyihii Ciidanka Danab oo ku dhintay qaraxii Gaalkacyo

Taliyihii qeybta 21aad ee ciidanka Xoogga dalka Jen. Qooje Dagaari iyo Taliyihii Ciidanka DANAB ee Galmudug Col. Mukhtaar ayaa ku geeriyooday qarax ismiidaamin ah oo galabta ka dhacay Koofurta Gaalkacyo.

Sida wararku sheegayaan qaraxan oo uu fuliyay qof waxyaabaha qarxa soo xirtay ayaa ka dhacay afaafka hore ee garoonka kubadda cagta ee Cabdullaahi Ciise.

Saraakiisha la qarxiyay ayaa diyaarinayay amniga wafdiga Ra’iisul Wasaaraha oo soo geli lahaa garoonka, halkaasoo soo dhoweyn loogu sameynayay dad fara badan isugu soo baxeen.

Qofka is qarxiyay ayaa la sheegay inuu soo dhex galay Ciidankii iyo saraakiisha sugayay amniga, waxaana mar qura isla yeeray dhawaaq xooggan oo ahaa qaraxa iyo uuro.

Goobta ayaa isu bedeshay mid jahwareer ah, dadkuna waa kala carareen, waxaa goobta laga dead gureeyay dhaawacyo dhowr ah.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa la geeyay xarunta Madaxtooyada Koofurta Gaalkacyo, halkaasoo ammaanka ay si weyn u ilaalinayaan Ciidanka milateriga.