Thaabit;”Waa nasiib darro in shirkii Dhuusamareeb uu natiijo la’aan ku soo idlaaday.”

Musharax Madaxweyne Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay shirkii ku soo dhamaaday natiijo la’aan ee magaalada Dhuusamareeb,isagoo ku tilmaamay inuu yahay nasiib darro.
Boggiisa Facebook ayuu soo dhigey guddoomiyihii hore gobolka Banaadir kana mid ahmusharaxiinta Madaxweynaha dalka Soomaaliya.

Thaabit Cabdi Maxamed ayaa qoraalkiisa waxa uu baaq ugu direy xildhibaanada labaa aqal oo lagu wado inay kulan gaar ah ay yeesheen maanta.

Siyaasiyiin badan ayaa haatan waxa ay ku howlan yihiin sidii ay jawaab uga bixin lahaayeen shirka Dhuusamareeb ee ku soo dhamaaday natiijo la’aanta.

Halkan ka akhriso qoraalka uu soo saaray Thaabit Cabdi Maxamed;

Waa nasiib darro in shirkii Dhuusamareeb uu natiijo la’aan ku soo idlaaday, xalay gudcurkii dambana shir jaraa’id oo wareer cawo ah la qabtay halkii loo waabariisan lahaa.

Rajada iyo dulqaadka haray wuxuu ahaa in shirka aan lagu soo kala tagin heshiis la’aan, balse waxaanan garan waxa xamar loogu soo degdegayo oo aanan ka aheyn xaalad abuur.

Waxaan ugu baaqeynaa Baarlamaanka labbada Aqal ee DFS iyo cid kasta oo u diir naxeysa shacabkeena daallan, in aanan looga sii darin xaaladdan xikmad beelka ah. Qof walboow mas’uuliyad baa ku saaran ee ogow.