Tirada Cudurka Covid 19 dalka Soomaaliye oo sare u sii kacday

Wasaaradda Caafimaadka dowlada Soomaaliya ayaa faahfaahisay heerka uu marayo Cudurka COVID 19 ee gudaha dalka Soomaaliya.

Guud ahaan waxaa cudurka laga helay 266 ruux oo ku sugan, kadib markii baaritaan lagu sameeyay 1,807 oo ku kala sugan deegaano kala duwan oo dalka Soomaaliya ka mid ah.
Caasimada dalka ayaa tirada ugu badan laga helay iyadoo 141 ruux laga helay.

Putland ayaa  tirada uu soo ritey cudurka waxa ay gaartay 88 ruux muddo toddobaad ah, Somaliland 25 ruux, Koonfurgalbeed 4,Hirshabelle 3 ruux,Jubbaland 3 ruux iyo Galmudug oo 2 ruux laga helay. 8 ruux ayaa u dhimatay 24kii saac ee la soo dhaafay iyadoo 6 ka mid ah ay Muqdisho ku dhinteen halka labada kalana ay ku geeriyoodeen magaalada Beledweyne.

Waxaa si aad ah looga baqayaa in tirada cudurka uu soo ridanayo uu sare u sii kaco iyadoo caasimada dalkana aysan ku filneyn qalabka lagu caawiyo dadka uu soo rito cudurkan.

tirada cudurka covid 19 dalka soomaaliye oo sare u sii kacday