Tirinta codadka doorashada dalka Uganda oo bilaabatay

Goobaha codbixinta ay ka dhacaysay maanta dalka Uganda ayaa la xirey iyadoo tirinta codadkana ay ka bilaabtay guud ahaan wadanka Uganda.

Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni ayaa waxaa si weyn ula tartamaya Bobi Wine oo ah nin dhalinyaro ah oo fankana caan ku ah.

Intii lagu guda jirey ololihii doorashada dalka Uganda ayaa waxaa lagu diley illaa konton ruux ayay ciidamada Boolisku dileen,kadib markii banaanbaxyo rabshado wata laga dhigey qaar kamid ah degmooyinka dalka Uganda.

Qadadkii Internetka ayaa la jaray waxaana la dhigey ciidamo faro badan wadooyinka soo gala goobaha ay codbixintu ka socotay.

Goobaha qaar ayaa waqti dambe laga bilaabay codeynta kadib markii ay soo daaheen qalabkii lagu codeyn lahaa.

Museveni oo 76 jir ah, isla markaana xukumayay dalka Uganda illaa iyo sanadkii 1986kii ayaa doonaya in markii lixaad uu ku guuleysto doorashadan.

Musharaxa Bobi Wine ayaa sheegay in laga xirey mobaylkiisa iyo mobaylka xaaskiisaba si aysan ula xiriirin kaaliyaashiisa iyo wakiiladiisa doorashada.

Madaxweyne Museveni ayaa codkiisa ka dhibtay magaalada uu ka soo jeeda ee Waqooyiga Uganda,waxaana la weydiiyay markii uu codka dhiibtay inuu aqbalayo natiijada doorashada waxana uu ku jawaabay; ”Dabcan haddii aysan jirin qaladaad.”

Inkabadan 18 malyan oo ruux ayaa is diiwaangelisay inay doorashadan u codeeyaan, musharaxii hela inkabadan konton boqolkiiba ayaa si toos ah ugu guuleysanaya doorashadan.