Donald Trump ayaa ogolaaday inuu bilaabo howsha uu xafiiska kula wareegi lahaa Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden.
Maamulka Adeegyada Guud (GSA) ayaa qoraal ay u direen Joe Biden waxay ku caddeeyeen inuu Biden yahay guuleysataha xilka Madaxweynaha, isla markaana ay bilaabayaan howsha xil wareejinta.
Donald Trump ayaa faray Hey’addaha federaalka inay si rasmi ah u billaabaan marxaladda xil wareejinta.
Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Kooxda Joe Biden inay dhankooda guda galaan howsha looga baahan yahay xil wareejinta.
Trump ayaa muddooyinkii u dambeeyay cadaadis kala kulmayay xubnaha sar sare ee aadka ugu dhow, iyagoo ka dalbanayay inuu aqbalo natiijada doorashada oo uu aad u diidanaa.