Turkiga oo xaqiijiyay in Muwaadin Turkish ah uu ku dhintey 4 kalana ay uga dhaawacmeen qaraxii Lafoole

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Turkiga ayaa war kasoo saartay qaraxii maanta ka dhacay meel u dhexeysa deegaanka Xaawa Cabdi iyo Lafoole.

Warkan ayaa lagu sheegay in gaari waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray shaqaale isugu jira Turkey iyo Soomaaliya.

“Mid ka mid ah shaqaalaha Turkiga ayaa dhintey afar kale oo Turkish ahna waa ay ku dhaawacmeen qaraxan.”ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu cambaareyay cambareeyneyso falkaasi qaraxa ahaa ee lagu weeraray Injineeradooda u shaqeynayay Shacabka Soomaaliyeed, waxayna Wasaaradda Arrimaha Dibadda sheegtay inay sii wadi doonaan garab istaagooda wadanka ay saaxiibada yihiin ee Soomaaliya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay inay ka dambeysay weerarkan iyadoo sidoo kale weerarkana ay ku dhinteen ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliyeed.