Uganda oo ciidamadeeda keydka ah u soo direysa Soomaaliya

Dowladda Uganda ayaa shaaca ka qaaday inay Soomaaliya u direyso Ciidamadeeda keydka ah, iyadoo ciidamadaas lagu diyaarinayo xarunta tababarada taageerada Nabadda ee Singo, si ay tababar ugu qaataan, ka hor inta aan loo dirin Soomaaliya bisha October.

Uganda ayaa qorsheysaneyso inay Soomaaloya u dirto illaa 2,752 oo keyd ah, si loo geeyo Soomaaliya inta u dhaxeysa bartamaha sanadkan illaa bisha October ee sanadka 2021.

Ciidamadan loo dirayo Soomaaliya ayaa bedelaya ciidan horay u joogay, waxaana ay ka qeyb qaadan doonaan howlgalka nabad ilaalinta AMISOM.

Uganda oo ahaa dalkii u horreeyay ee Ciidamo u soo diro Soomaaliya sanadkii 2007, waxaana ay yihiin ciidanka ugu badan ee ka socda Midowga Afrika.

Howlgalada Ciidanka AMISOM ayaa sanadihii u dambeeyay hoos u dhac ku yimid, ma jirin wax horumaro ay sameeyeen, taas bedelkeed waxay la kulmayeen weeraro lagu qaadayay xeryaha ciidamada ay degan yihiin iyo gawaarida sahayda u sida.