Ururada Mideeye iyo Sinnaan iyo Caddaalad oo ku dhawaaqay isbahaysi

1,395

Labada urur siyaasadeed ee Mideeye iyo Sinnaan & Caddaalad oo ka mid ahaa xisbiyadii ku tartamay doorashadii qof iyo cod ee ka dhacday Puntland ayaa ku dhawaaqay inay sameysteen isbahaysi siyaasadeed.

Xisbiyadan oo kuraas badan ka helay doorashada ahna mucaarad ayaa iska kaashanaya dhismaha goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

Kulan ay ku yeesheen magaalada Qardho hoggaamiyaasha labadan xisbi ayaa waxa ay ku heshiiyeen inay sameystaan isbahaysi dhismaha golayaasha deegaan ee saddexda degmo ee doorashooyinku ka dhaceen.

Ururada Caddaalad & Sinnaan iyo Mideeye ayaa ugu baaqay ururada kale ee mucaaridka in ay ka mid noqdaan isbahaysiga ururada mucaaridka ah si degmooyinka doorashadu ka dhacday ay uga sameeyaan isbadel.

Isbahaysigan ay ku dhawaaqeen labadan xisbi ayaa waxa ay culeys weyn ku noqoneysaa xisbiga KAAH ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Deni oo codad badan ka helay doorashooyinka golaha deegaanka ee ka dhacay Puntland.

ururada mideeye iyo sinnaan iyo caddaalad oo ku dhawaaqay isbahaysi