Waddooyinka qaar ee Muqdisho oo saaka xiran iyo bannaan bax laga cabsi qabo…

Ciidamada Amniga Soomaaliya ayaa saaka xiray qaar ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, iyadoo gaadiidka loo diiday inay isticmaalaan.

Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa xiray isgoysyo dhowr ah, oo waddooyinka magaalada ugu muhiimsan ka mid ah.

Waddooyinka saaka la xiray ayaa waxaa ka mid ah wadada Maka Al-Mukarama oo jid cadayaasha soo gala iyo isgoysyada xalay ciidamo la dhigay.

Sababaha maanta loo xiray waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho ayaa lagu sheegay cabsi laga qabo in maanta magaalada Muqdisho ka dhacaan bannaan baxyo ka dhan ah dowladda.

Sidoo kale waxaa saacadihii la soo dhaafay jiray abaabul bannaan baxyo ah oo ay qaban qaabinayaan Midowga Musharaxiinta, kaasoo la sheegay inuu bilow u yahay bannaan baxyo maalmo socon doona oo ay ka dhigayaan Muqdisho.

Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka oo ku aadan hannaanka doorashada ayaa weli taagan, iyadoo aan xal loo helin, labada dhinac ayaa maalmihii la soo dhaafay qaadayay tallaabooyin iska soo horjeeda.