Wafdi ka socda dowladda Kenya oo ku soo wajahan Muqdisho

Waxaa saacadaha soo socda la filayaa in magaalada Muqdisho soo gaaraan wafdi ka socda dowladda Kenya, si loo bilaabo wada hadalka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ee ku saabsan khilaafka diblomaasiyadeed.

Dowladda Kenya ayaa dooneysa in la xaliyo khilaafka, iyadoo haatan u muuqata inay soo dabacday, waxaana sidoo kale Ururka IGAD uu cadaadis ku saarayaa labada dal inay dib u soo celiyaan xiriirkooda.

Wafdi ka socda Urur Goboleedka IGAD ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana ay la kulmeen Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Balal Cusmaan, wafdigan oo ahaa Guddi IGAD u xil saartay xaqiiq raadinta xaaladaha ka jira xuduuda Soomaaliya iyo Kenya ayaa kormeer ku tagay magaalada Mandhera.

Lama oga inta ay qaadan doonto xal u helida xiisada diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, waxaase socda dadaalo xooggan oo Urur Goboleedka IGAD ugu jiro sidii loo soo afjari lahaa khilaafka diblomaasiyadeed ee labadan dal ee ka tirsan IGAD.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed C/risaaq Maxamuud oo ka mid ahaa wafdigii Madaxweyne Farmaajo ee Jabuuti uga qeyb galay shirkii u dambeeyey ee madaxda IGAD ayaa 21-kii December sheegay in IGAD ay cadaadis xoog leh ku saareyso Soomaaliya inay xaliso xiisadda kala dhaxeysa Kenya.