Wajigii koowaad ee balaarinta Dekeda Berbera oo xariga laga jaray

778

Waxaa maanta la daahfuray wejigii koobaad ee ballaarinta dekedda Berbera, taas oo ay gacanta ku haysay shirkadda laga leeyahay Imaaraadka ee DP World.

Munaasabada lagu daah furayay Termina-ka Konteenarada ee Dekeda Berbera ay ka qeyb galeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, Guddoomiyaha Shirkadda DP World, Wasiirka Maaliyadda Itoobiya, Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Dekeda Berbera ayaa noqon doonta xarun aagg dhaqaale oo muhiim u ah Itoobiya iyo Geeska Afrika, iyadoo hadda uu socdo dhismaha jidka isku xira Berbera iyo Itoobiya.

Heshiiska dekedda Berbera ee DP World ayaa abuuray muran fara badan waagii la hirgelinayey. Lacagta mashruucan ku baxday ayaa lagu sheegay ku dhawaad 500 milyan oo doollar.

wajigii koowaad ee balaarinta dekeda berbera oo xariga laga jaray