Wakiilada Beesha Caalamka oo gaaray Madaxtooyada iyadoo uusan ku jirin safiirka Maraykanka

Wakiilo ka socda Beesha Caalamka ayaa gaaray Madaxtooyada Qaranka iyadoo lagu wado inay wadahadalo la yeeshaan Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowlada federalka.

Hase yeeshee wakiilada Beesha Caalamka ee gaaray Madaxtooyada ayaan ka mid ahayn Safiirka Mareykanka Danjire Yamamoto,maadaama Diblomaasiyiinta Mareykanka aan loo ogoleyn inay ka baxaan xeyndaabka garoonka Muqdisho.

Danjire Yamamoto wuxuu horay Garoonka Muqdisho iyo Xarunta Safaaradda Mareykanka ugu qaabilay Madaxda dowladda, Dowlad Goboleedyada iyo Musharaxiinta.

Mas’uul walba oo ka socda Mareykanka waxay Madaxda ugu tagaan Garoonka Muqdisho, waana arrinta ay uga duwan yihiin Diblomaasiyiinta kale ee Caalamiga ah fadhigooda yahay Xalane oo iyaga xarumaha dowladda taga.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa cadaadis ku saaraya Madaxweyne Farmaajo inuu oggolaado liiska xubnaha guddiga doorashooyinka ee ay dhowaan madaxda Jubbaland iyo Puntland ay soo magacaabeen.