Wakiilka Qaramada Midoobay James Swan oo gaaray Dhuusamareeb

1-6

Wakiilka Qaramada Midoowey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin uu ka mid ahaa Madaxweyne ku xigeenka Galmudug mudane Cali Dahir Ciid.

Wafdiga uu horkacayo Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa waxaa ka mid ah Wakiilada EU ,Midowga Africa Francisco Madeira iyo IGAD Jamaal Xaaji Axmed.

Wafdigaan oo kulamo kala duwan la yeelan doona Madaxda Galmudug iyagoo madaxda Galmudug kala hadli doona Arrimaha Doorashoyinka, Amaanka iyo Siyaasada.

Qaramada Midoobay ayaa qorsheyneysa inay xarumo ka furato magaalada Dhuusamareeb taas oo laga hagi doono howlaha hormarineed ee ay UN ka ka wadan guud ahan Galmudug.