Wakiilo ka socda Beesha Caalamka oo maanta la kulmaya Madaxweyne Farmaajo

Wakiilo ka socda Beesha Caalamka ayaa lagu wadaa in maanta oo Sabti ah ay booqdaan xarunta Madaxtooyda ee Villa Soomaaliya si ay ula kulmaan Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo.

Kulankan ayaa lagu wadaa in wakiilada Beesha Caalamka ay cadaadis ku saaraan Madaxweyne Farmaajo inuu aqbalo kulanka ay ku baaqeen madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Sidoo kale Madaxweyne Farmajao iyo Xubnaha Beesha Caalamka ayaa waxaa ay ka wada hadli doonaan sidi xal degdeg ah looga garai lahaa muranka hareeyay doorashooyinka dalka oo aan weli wax heshiis ah laga gaarin.

Beesha Caalamka ayaa qoraal ay soo saareen shalay waxa ay ku soo dhoweeyeen magacaabista xubnaha guddiga doorashada ee Puntland iyo Jubbaland iyo in la qabto kulan ay madaxda dowlada federalka iyo madaxda dowlad goboleedyada yeeshaan.