Ayax soo gaaray goordhow magaalada Jowhar

ayax

Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in ayax raxan raxan u socda uu soo gaaray maanta magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Xaafado ka mid ah magaalada Jowhar ayaa lagu arkay ayaxan isagoo raxan raxan u socda waxaana wadooyinka magaalada jowhar isugu soo baxay dadweyne faro badan oo doonaya inay arkaan ayax.

Ayaxan ayaa ku degey deegaano ku yaal hareeraha magaalada Jowhar sida Xaanshooley,Dhaaygawaan,Shamiinto,Koongo iyo deegaano kale.

Deegaano ka mid ah gobolka Sh/dhexe ayaa waxa soo gaaray ayax iyadoo degmooyinka Aadan Yabaal,Ruun nirgood uu ayaxan hore u soo maray.