Dowlada Soomaaliya oo diiday in dib loo dhigo dacwada Badda ee Kenya

Somali government refuses to postpone Kenyan maritime case

Dowlada Soomaaliya ayaa gaashaanka ku dhufatay in dib loo dhigo dacwada badda ee kala dhexeysa dowlada Soomaaliya kadib markii ay dowlada Kenya markale codsatay in dib loo dhigo qaadista dacwada.

Shir jaraa’id oo uu goor dhow ku qabtay magaalada Muqdisho wasiirka warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe ayuu ku sheegay mowqifka dowlada Soomaaliya taasoo ah in aan dib loo dhigin dacwada badda.

“Arrinta dib u dhigista dacwadaha oo markii afaraad la rabo in dib loo dhigo oo aan saaka diidnay waxay dhabarjab ku tahay cadaalladda adduunka,” ayuu yiri Wasiir Dubbe.

Wasiirka  ayaa xaqiijiyay in  dowlada Soomaaliya ay warqad u dirtay maxkamadda ICJ, islamarkaana ay diyaar u tahay inay ka qeyb-gasho dacwaddaasi.

“Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya saaka oo Khamiis ah 11-ka February, 2021-ka waxay maxkamadda cadaaladda dunida ICJ oo xarunteedu tahay Hague ee dalka Netherlanday u qortay warqad ay ku sheegeyso Soomaaliya inay diyaar u tahay in ay ka qeyb-gasho dacwadda oo la muddeeyey dhowr isbuuc kadib 15-ka Maarso, 2021-ka,” ayuu markale yiri wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka ah e Soomaaliya.